
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,maamulka KGS Cabdullahi xaaji xasan Ayaa Maamul Cusub oo Kumeel Gaar ah u Magacaabay Degmada Berdaale ee Gobolka Bay.


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,maamulka KGS Cabdullahi xaaji xasan Ayaa Maamul Cusub oo Kumeel Gaar ah u Magacaabay Degmada Berdaale ee Gobolka Bay.


Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dilka Radhi Mousavi, oo ahaa lataliye sare kana tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, “uu ahaa weerar cad xishood la’aan iyo xad gudub.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in Radhi Mousavi uu ahaa “mid ka mid ah walaalaha ugu wanaagsan ee ka shaqeeyay in ay taageeraan iska caabinta Islaamiga ah ee Lubnaan muddo tobanaan sano ah.”.
Mousavi, oo ahaa lataliye sare oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa Isniintii lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo la rumeysan yahay in Israa’iil ay gaysatay, kaasoo ka dhacay meel ka baxsan caasimadda Suuriya ee Dimishiq.
Xisbullaah iyo ciidamada Israa’iil ayaa maalin walba is weydaarsada duqeymaha tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qasa.

Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay sii xoojin doonaan dagaalka Xamaas ay kula jiraan.
Isniintii ayuu ka soo laabtay Qasa, wuxuuna Netanyahu u sheegay xubnaha xisbigiisa Likud in dagaalku “uu socon doono waqti dheer, dhammaadkiisuna uusan dhowayn”, isagoo intaa ku daray in askartii uu kula kulmay Qasa ay weydiisteen in dagaalku aanu joogsan oo uu sii socdo ilaa iyo inta laga gaarayo. dhamaadka.
Hadalka raysal wasaaraha Israa’iil ayaa imaanaya xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka uu sheegay in ay qasab tahay in Israa’iil ay hoos u dhigto duqeymaha xooggan ee ay ka waddo Marinka Qasa

Baarlamaanka Maamulka SSC khaatumo ayaa soo saaray go’aammo culus oo ku aaddan bulshada degaanada Maamulkaasi, xili dhawaan ay isaga baxeen Xildhibaanada SSC Maamulka Puntland.
Go’aammo ay soo saareen Golaha dhexe ee SSC Khaatumo ayaa digiin loogu diray qof walba oo reer SSC ah oo doonaya inuu maamulada kale wax la qaybado ama u uku biro.
“Dadka SSC-Khaatumo kama mid noqon karaan Puntland ama maamul kale – waayo waxa khalkhal geleya midnimada iyo nabadda deegaanka.” Ayaa lagu yiri Warqad ay soo saareen Golaha dhexe ee SSC.
HOOS KA AKHRISO GO’AAMADA AY SOO SAAREEN


Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Weerarka oo lagu eekeeyay fariisin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin waqooyiga magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan
Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi, waxayna sheegeen inay iska caabiyeen dagaalka lagu soo qaaday.
Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaaca ka qaaday in khasaare ku gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa goobta lagu dagaalamay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lgau dagaalamay ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaalada Baydhaba.
Weerarkan iyo dagaalka xigay ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay aad loo adkeeyay amniga Baydhaba, kadib amaro ay soo rogeen laamaha amniga magaaladaasi.
Inta badan xubnaha Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool oo ay go’doomiin ku hayaan, halkaas oo ay ka jiraan xaalado adag oo nololeed.

Guddoomiye kuxigeenka Maxkamada sare ee Puntland Axmed Sh Cumar Xasan, ayaa talo sharci kasoo saaray go’aankii ISimada SSC Khaatumo ee ku aadanaa ka bixitaankooda Puntland, Guddoomiye Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in go’aanka Isimadu uu baalmarsanaa habraaca heshiisyada iyo ka bixistooda.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xukuumada Soomaliland ku dhaliilay in ay ka gaabisay difaaca degaannada Soomaaliland.
Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dagaalkii gobolka Sool la doonayo in loo rogo mid qabiil, isla markaana xukuumadu ay door keedii ka gaabisay, waxa uuna sheegay in kooxo amniga gobolka khatar ku ahi ay Laascaanood qabsan doonaan hadii anay Somaliland ku noqon.
“Meesha hadan sharciga Somaliland lagu soo celin waxay noqon doontaa bahale galeen, oo waxay khatar gali doonto Badda Cas, oo waxay noqon meel jin iyo jaan joogaan, marka waxaan leeyahay dadka dagaalkii Somaliland iyo G 21 ka dhigaya qabaa’il is dilaya, yaan la badalin sheekada” ayuu yiri Waraabe.
Waxa uu sheegay in xukuumadii Somaliland anay muuqan, isla markaana anay qayb ka ahayn difaaca Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadu sidookale anay diyaar garow doorasho ku jirin, doorasho la’aantuna ay sababtay in dhibaatooyinkii Somaliland soo gaadhay.
Waxa uu sheegay in xukuumadu ayna awoodeedii isticmaalayn taasina ay jaanis siinayso in ay xoogag kale samaysmaan, oo ay soo baxaan kooxo kale oo fikiro kale aaminsan.
“Waar dowladii ha toosto, waar dowladii ha muuqato, Naasa Hablood baa laysku dilay oo waad arkayseen Hargaysa ayay soo galaysa, Alxamdulilah Cali Saahid waa la dhameeyay” ayuu Sidoo kale yiri Waraabe Gudoomiye Feysal Cali Waraabe.
Ugu dambeeyntii Faysal waxa uu sheegay in magaalada Laascaanood anay noqon doonin maamul gaar ah, isla markaana aan magaalo maamul loo samayn karin, “Reer Laascaanood waxaan leeyahay suuragal maaha in magaalo maamul noqoto ayuu sidoo kale hadalkii ku soo gaba babeeyay hadalkiisa “.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.
Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.