Dadkii ku noolaa magaalada Baledweyne ayaa intooda badan isaga barakacay magaalada waxaana ay miciin bideen inay tagaan deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada Baledweyne.
Dad fara ku tiris ah oo ku haray Magaalada ayaa bilaabay inay boorsooyinkooda ka qaataan magaalada, kadib markii ay ka quusteen oo ay ka rajo dhigeen Xaalada magaalada, maadaama Wabiga uu weli sii wado fatahaada.
Masquulinta magaalada baledweyne Keendiid-Xuseen oo lahadlay Warbaahinta Koonfur galbeed soomaaliya iyo warsan radio waxa uu sheegay in dowlada soomaaliya ay u gudbiyeen qaylo dhaan ku aadan in wax loo qabto dadka uu saameynta ku yeeshay wabiga Shabele.