Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu Caawa ka dhacay Xaafada Ceelqalaw oo katirsan degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in qaraxa oo ahaa miino la dhigay Gooob ay ku sugnaayeen dad u badan Dhalinyaro ay ku dhinten ka ka badan 7 Ruux 5 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyada oo dadka qaraxaasi ku dhitay iyo kuwa ku dhaawacmay Goobta laga qaaday.
Ciidamada ayaa xiray isku socodka dadka iyo Gaadiidka halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana weli la ogeyn cidda lala beegsaday, hayeeshee dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay yihiin dad Shacab ah.
Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin qaraxaas, hayeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin guud ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay.
RW Xamse oo Madaxweynaha dowlad degaanka kala hadlay iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida,Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka ee Magaalaa Jigjiga.
Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka Al-Shabaab.
Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.
Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh oo katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa weli howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka A-Shabaab waxaa ay weli ka wadaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyaga oo howlgallada degaano dhowr ah kula wareegay.
Howlgalkii ugu dambeeyay ee uu hoggaaminayay Xildhibaan Korneyl Cismaan Xaadoole oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Ciidamadu waxaa ay kula wareegeen degaano kuyaalla Bariga degmada Balcad, kuwaas oo kala ah, Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale
Korneyl Cismaaciil Xaadoole ayaa sheegay in howlgallada ay weli Gobolka Shabeellaha Dhexe ka wadayaan, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 30 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay in guud ahaan ay Al-Shabaab ka saaraan degaannada iyo weli kaga sugan yihin Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Muddo ku dhow todobaad ayay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Burundi ee ka tirsan howlgalka ATMIS waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyaga oo Goobo dhowr ah la wareegay.
Jarmalku oo shabakadda Telegram ku ganaaxay illaa $5 milyan
Dalka Jarmalka ayaa Isniintii sheegay inuu ganaax lacageed ku soo rogay shabakadda fariimaha la isku dhaafsado ee Telegram, isaga oo ku eedeeyey inay ku guuldaraysatay inay u hoggaansanto shuruucda dalka Jarmalka.
Lacagta ganaaxa ah ee lagu soo rogay shabakadda fariimaha ee Telegram ayaa gaadhaysa illaa $5 milyan oo dollar. Xafiiska caddaaladda ee heer federaal ayaa sheegay in shirkadda iska leh shabakadda Telegram, inaan lagu dhisin hannaan sharci ah oo ka warbixinaya waxyaabaha sharci-darrada ah ee la dhex mariyo, iyo inaanay Jarmalka ka samaysan ama u soo magcaabin cid xidhiidh rasmi ah lala sameeyo. Labadaas qodobba, waa qaar ka mida waxyaabaha uu dhigayo sharciga dalka Jarmalku.
Saraakiisha Jarmalka ayaa sheegay inay marar badan ku guuldaraysteen isku dayo ay doonayeen inay waraaqo ugu gudbiyaan shirkadda Telegram ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai, inkasta oo ay taageero ka heleen dawladda Imaaraadka Carabta.
Shirkad bixisa adeegga sharciga oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ayaa sheegtay inay metesho Telegram, hase ahaatee arrintaasi ma noqon mid ku filan inay hor-istaagto ganaaxa lagu soo rogay shirkadda.
Booliska heer federaal ee dalka Jarmalka ayaa sannadkan horraantiisii ka digay in shabakadda Telegram, ay xuddun u noqonayso “xagjiraynta”.
Ganaaxa la soo rogay, ayaa ah mid ay shirkaddu ka qaadan karto racfaan.
Askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta ee QM oo lagu laayey dalka Mali
Saddex askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Chad ayaa lagu dilay dhinaca woqooyi ee dalka Mali, ka dib markii ay ku qaraxday miino wadada dhinaceeda loogu aasay, tiro kale oo ka mida ciidanka ayay soo gaadheen dhaawacyo halis ahi.
Dhimashada askartan ayaa ku soo beegmaysa, hal maalin uun ka hor, inta aanu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay shir gaar ah ka yeelan hawlgalka Mali, kaas oo ah, hawlgalkii ugu khatarta badnaa ee Qaramada Midoobay hoggamiso, xattaa ka hor intii aanay ciidamada Faransiisku ka bixin dalka Mali.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magcaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in saddex askari oo kale oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalintu inay six un u dhaawacmeen, kuwaasoo lagu daawaynayo cusbitaal ay leedahay Qaramada Midoobay.
Goobta miinadu kula kacday ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ayaa illaa 10 KM u jirta magaalada Tessalit ee gobolka Kidal. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa gobolkan saamayn ku leh, iyaga oo walxaha qarxa dhulka ku aasa.
Dalka Jarmalka ayaa Isniintii sheegay inuu ganaax lacageed ku soo rogay shabakadda fariimaha la isku dhaafsado ee Telegram, isaga oo ku eedeeyey inay ku guuldaraysatay inay u hoggaansanto shuruucda dalka Jarmalka
Lacagta ganaaxa ah ee lagu soo rogay shabakadda fariimaha ee Telegram ayaa gaadhaysa illaa $5 milyan oo dollar. Xafiiska caddaaladda ee heer federaal ayaa sheegay in shirkadda iska leh shabakadda Telegram, inaan lagu dhisin hannaan sharci ah oo ka warbixinaya waxyaabaha sharci-darrada ah ee la dhex mariyo, iyo inaanay Jarmalka ka samaysan ama u soo magcaabin cid xidhiidh rasmi ah lala sameeyo. Labadaas qodobba, waa qaar ka mida waxyaabaha uu dhigayo sharciga dalka Jarmalku
Saraakiisha Jarmalka ayaa sheegay inay marar badan ku guuldaraysteen isku dayo ay doonayeen inay waraaqo ugu gudbiyaan shirkadda Telegram ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai, inkasta oo ay taageero ka heleen dawladda Imaaraadka Carabta
Shirkad bixisa adeegga sharciga oo fadhigeedu yahay dalka Jarmalka ayaa sheegtay inay metesho Telegram, hase ahaatee arrintaasi ma noqon mid ku filan inay hor-istaagto ganaaxa lagu soo rogay shirkadda
Booliska heer federaal ee dalka Jarmalka ayaa sannadkan horraantiisii ka digay in shabakadda Telegram, ay xuddun u noqonayso “xagjiraynta”
“Dadka maamula baraha isgaadhsiinta waxaa saaran masuuliyad gaar ah oo ay uga hortegayaan arrimaha la xidhiidha kicinta, nacaybka iyo rabshada laga dhex abaabulo shabakadohooda” ayuu yidhi wasiirka caddaalada ee Jarmalka oo qoraal soo saaray, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey “shuruudahan sharci ee laga doonayo iyo masuuliyaddani maaha mid lagaga gabban karo iyada oo la isku dayayo inaan lagu heli karin”.