Baydhabo-{WMN}-Real Madrid ayaa ku qasban inay bixiso 1 Milyan oo euro ayaa kaddib markii weeraryahanka kooxdeeda ee Karim Benzema dhawaan ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or.
34 sano jirkaas ayaa sanadkii 2009 kusoo biiray Madrid oo uu markaas heshiis rekoodh u ahaa horyaalka France oo 30 Milyan oo pound ah ugaga yimid Lyon.
Heshiiskaas ayaa ahaa mid 35.2 Milyan oo pound kor u gaadhayay marka lagu daro lacagaha gunnooyinka ah, mid kamida qoddobada lacagtaas kor u qaadayay ayaa ahaa 1 Milyan oo euro oo ah Lyon helaysay haddii Benzema hanto Ballon d’Or.
Haatan wargeyska L’Equipe ayaa sheegaya in qoddobkaasi dhaqan galay kaddib guushii Benzema ee Ballon d’Or ee toddobaadkii hore.
Karim ayaa 329 gool kusoo dhaliyay 616 kulan tan iyo markii uu Los Blancos kaga yimid dhinaca Lyon. Benz ayaa muhiim u ahaa guushii Champions League iyo La Liga ee kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore kaddib 44 gool oo uu 46 gool kusoo dhaliyay tartamada oo dhan.
Kaddib guushii Benzema ee Ballon d’Or ayuu madaxweynaha mudada dheer ee kooxdaas ee Jean Michael Aulas yidhi “Waa sharaf weyn iyo dareen qiiro leh sababtoo ah Karim waa wiil yar oo Lyon kasoo jeeda”.