Odayaasha iyo Waxgaradka ka qeybgalaya Shirka aayo ka talinta Hiiraan ayaa hadda sheegay inay u gudbayaan dib u heshiisiinta beelihii ku dagaalamay Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Shirka Baledweyne Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa sheegay in dib u heshiisiin dhab ah oo ka duwan kuwii hore ay doonayaan inay dhex dhigaan Beelihii ku dagaalamay Deegaanka, si loo soo afjaro colaada soo jiitameysay muddada fog.
Warka kasoo baxay Shirka Baledweyne ayaa waxaa ka biya diiday mid ka mid ah dhinacyadii ku dagaalamay Deefoow oo hadda ka maqan Shirka, kuwaasi oo walaac ka qaba dhaqangalka Wadahalkaasi oo horay dhowr jeer u burburay.
Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda oo kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa Shir jaraa’id oo ay toddobaadkaan ku qabteen Muqdisho waxa ay ku sheegeen in Shirka Baledweyne uu u dhaxeeyo Beel kaliya oo aysan u dhameyn Beelaha gobolka oo dhan.