Labaatameeyo Askari oo ku geeriyootay Qaraxyo gilgilay Bakhaar Hubka lagu kaydiyo written by Warsan Radio 28/04/2024 20 Askari ayaa ku geeriyootay, halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen, kadib, markii ay silsilado Qaraxyo waa weyn ay gilgileen Bakhaar Hubka lagu kaydiyo oo ku yaalla Galbeedka dalka Cambodia.Qoraal uu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Hun Manet soo dhigay Barta Telegram ayuu ku xusay inay Qaraxyadaasi ka dhaceen Bakhaarka Hubka ee Xarunta Taliska 3aad ee Milliteriga ku leeyihiin Tuullada Chamkar Doung ee Degmadda Chbar mon ee Gobalka Kampong Speu ee Galbeedka Cambodia.Waxa uu u Tacsideeyey Qoysaska Askartii ku geeriyootay Qaraxyadaasi, isagoo kuwa dhaawacmay u rajeeyey Caafimaad.RW Hun Manet ayaa waxa uu min 20,000 oo Dollarka Maraykanka ugu deeqay Qoysaska Askarta geeriyootay, halka Askarta dhaawacmay la guddoonsiiyey min 5,000 oo Dollar.Muuqaalo la soo dhigay Baraha Bulshada ayaa waxaa ka muuqday burburka soo gaaray Dhismaha Bakhaar hal dabaq ah, dad dhaawacmay oo lagu daaweynayo Isbitaalada iyo dadka Deegaanka oo si Online u soo dhigayey Sawirada Daaqadaha ku burburay. Labaatameeyo Askari oo ku geeriyootay Qaraxyo gilgilay Bakhaar Hubka lagu kaydiyo was last modified: April 28th, 2024 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Somaliland oo billaawday inay lacago u aruuriso Shacabka Falastiniyiinta ee ka barakacay Colaada Qasa next post Taliska Booliska oo ka hadlay Qarax uu ku dhintay Aabe iyo caruur uu dhalay You may also like Madaxweyne Deni oo kusii jeedda Qardho 20/08/2022 Trump oo usoo baxay Salaanta taageerayaashiisa xili lagu hayo Isbitaalka 05/10/2020 Dhageyso: Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Idaacada Warsan 05/07/2023 RW Rooble oo u hambalyeeyay Xasan Sheekh 16/05/2022 Maxaa looga hadlay kulankii Saciid Deni iyo Lafta-Gareen? 12/09/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Bulshada Gaar Ahaan Caafimaadka 27/03/2022 AMISOM oo dayactir ku sameysay dhabaha Garoonka Jowhar 21/05/2021 Akhriso:-Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Iyo Istaraatiijiyadda Qaran Ee Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda 29/11/2019 Maamul cusub oo loo magacaabay Degmo ka tirsan Gobolka Gedo (Wareegto) 01/10/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 11/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.