Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Saciid Cabdullahi Deni iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa la sheegay in ay kulankooda wagawada-hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isla xalay hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare.
Labadan masuul waxaa la sheegay kulankooda inay isaga xog-wareysteen xaaladaha siyaasadeed ee dalka, iyo shirka wadatashiga dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo maamulka gobolka Banaadir.
Waxaa Sabtida maanta ah loo malansanaa in uu furmo shirkaas, balse lama oga sida ay ku suurtaabi doonto, waxaana xusid mudan inay madaxdu kala maqanyihiin.