Xildhibaan Hore Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo ka mid ahaa Golehii 10-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya.
Madaxda qaranka uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha golaha shacabka iyo madax kale ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Hore Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed xasan Barkaan oo ka mid ahaa Golehii 10-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kanna soo jeeda deegaanadda maamulka koonfur galbeed.
Madaxda ayaa xustay in Marxuum Sheekh Shaacir uu muddo dheer u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ku lahaa geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed oo muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey
Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u naxariiste Marxuum Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Xasan oo ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Hindiya.
Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Shaacir ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaankii 8-aad, 9-aad iyo 10-aad ee JFS, waxaana uu Qaranka u soo adeegay waqtiyo adag, isagoo door wanaagsan kasoo qaatay dhismaha dowladnimada iyo nabadeenta bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisa iyo ummadda Soomaaliyeed na samir iyo iimaan ka siiyo.