aliska Ciidamada Booliska Degmada Baydhabo iyo Wasaarada Amniga Dowlad Goboleedka KG ayaa Xaruunta Saldhiga Baydhabo Waxey Ku Soo Bandhigeen Hub Iyo Rasaas Sharci Daro ah Oo Si Sharci Daro Ah Laagu Isticmaali Jirey Magalada Baydhabo. Taliyaha Ciidmada Booliska Gobolka Baay Ganeral Mahad Cabirahmaan Aadan ayaa Sharaxaad Kabixiyey Ugu Horeyn Howlgalka Ciidamada Amaanka Maanta ay Kasameeyeen Magaalada Baydhabo Islamarkaasina Guulooyinkaan ay Kusoo Hooyiyeen. Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka KGS Xasan Xuseen Mahamed ayaa Ciidamada Ugu Mahadnaqey Sida ay Marwaliba ay ujoogteynayaan Howlagalada Amaanka Lagu Sugaayo Si Shacabka Ay Nabad Ugu Noolaadaan.
Hay’adaha Amaanka KGS ayaa Waxey Sheegen Inay Sii Wadi Doonaan Howlagalada Lagu Dagaalamaayo Hubka Sharci Darada ah Amaanka Magaalada Baydhabo Iyo Guud ahaan KGS Lagu Sugaayo