{WARSANRADIO} Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa laga-hirgaliyey Nalalka Solar-ka ku shaqeeya Cadceedda ee habeenkii laga faa’iideysto iftiinka uu bixinayo,taasoo wax weyna ka tartey bilicda Magaalada ,Horomarka ganacsiga iyo amaanka .deegaanka.
Hirgelinta arrintaas waxaa fuliyey Maamulka Degmada oo horey Mashaariic horomarineed degmada uga hergeliyey.
Guddoomiyaha Degmada Baardheere Cabdulaahi Nuur Xasan(Cadow) oo kormeer ku tagey magaalada ayaa sheegay in Nalalka ku shaqeeya Cadceeda ay wax badan faa’iido ku leeyihiin Dadka Deegaanka ayna aad u soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ka siineysa horumarka Degmadda.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Degmadda Baardheere loogu tala galay 50 Xabo oo ah Nalalka ku shaqeeya Cadceeda dhawaana lasoo gaban gabeyn doono in dhamaantood la wada shido.
Ikraan Nuur Waxay meharad ganacsi oo lagu iibiyo shaaha,Caanaha,sharaabka iyo Bagaashka ay ku leedahay wadada Cakaaro waxay sheegtay tan iyo intii magaalada laga hergeliyey leeraraka cadceeda ku shaqeeya in ay dareemayo horoomar xaga wax kala iibsiga habeenkii,ganacsigeedana uu kobcayo.
“walaal markii hore Macmacaankeyga waxaa xiri jirey 8da fiidnimo,ayadoo caanahi,shaahii iyo sharaabkii ay yaalan,waayo ma jirin wax dad ah oo socanaya mgaaladana mugdi ayey
ahayd,balse hadda waxaan xiraa ugu dambeen ilaa 11ka habeenimo marka ay ii gadmaan dhamaan waxii ii yaaley,taasina waxaa u sabab ah nalalka Cadceeda oo magaaladii oo dhan ka dhigey maalin,waana ku faraxsanahay horomarka degmada ka soconaya”” sidaasi waxaa tiri Ikraan Nuur oo meharad ganacsi oo lagu iibiyo shaaha,Caanaha,sharaabka iyo Bagaashka ku leh wadada Cakaaro ee Bartamaha Magaalada.
Bulshada ku dhaqan degmada Baardheere ayaa aad u soo dhoweeyey talaabada nalalka cadceeda ku shaqeeyay ee lagu xardhay wadooyinka muhiimka u ah degmada iyo xarumaha kale ee Bulshada,iyagoona xusey nalalkani in ay ka qeyb qaadanayaan bilicda,ganacsiga iyo nabada ka jirta degmada.
Maal Mihii Dambe Degmada Baardheere Waxa ku soo kor dhayay Horumarrada laga sameynayo in magaaladu ay noqoto mid Xilliga Habeenkii ah Ifta taas oo wax badan ay ka faa’iideen Bulshada.