Wafdi heer Federaal ah oo hordhac u ah Madaxweyne Farmaajo ayaa soo gaaray maanta Garoowe, xubnahan waxay isugu jiraan Xildhibaano iyo Saraakiil ka socda Madaxtooyada Soomaaliya.
Garoowe ayaa waxaa ka socda diyaargarow lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo oo qorshuhu yahay inuu Puntland kala qeybgalo dabaal dega 8-da January, xiligaasi oo loo dabaal degayo sanadguuradii 4-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Gaas.
Mashaariic horumarineed oo uu ka midyahay dhismaha Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa suuragal inuu Madaxweyne Farmaajo furitaankooda ka qeybgalo.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA.