Baydhabo Somaliya{WMN}- Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu magacaabay Wasiiro cusub, iyadoo la buuxiyay labo wasiir oo booskooda banaanaa, kuwaasoo bil ka hor uu Ra’iisul Wasaaraha xilka ka qaaday.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa goor dhow warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha oo lagu magacaabay illaa shan wasiir iyo wasiir kuxigeen.
C/llaahi Goodax Barre ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, waxaa lagu bedelay wasiirkii xilka laga qaaday C/raxmaan Daahir Cismaan oo ay isku heyb ahaayeen.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaas hayay Sheekh Nuur Maxamed Xasan loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.
C/llaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka, iyadoo xilkaas laga qaaday C/raxmaan Cabdi Xaashi
Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa waxaa loo magacaabay Shawaqar Ibraahim Cabdalla
Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaa uu bedelay Wasiiru dowlihii hore Khaliif C/qaadir Macalin Nuur.
halkan hoose ka Dhageyso
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Sudan, halkaasoo ay uga qayb galayaan shir ay yeelanayaan madaxda urur gobaleedka IGAD oo heshiis rasmi ah ay ku saxiixanayaan Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo kuxigeenkiisii hore Riek Machar.
Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa garoonka diyaaradaha Khartoum ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Suudaan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada Suudaan Bakri Xasan Saalax.
Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaanaya saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Suudaanta Koonfureed.
Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir iyo Madaxweyne kuxigeenkii hore Riek Machar oo hogaamiya kooxda mucaaradka ah ee SPLM-IO oo isku hayay siyaasadda dalkaas ayaa ugu danbeyn oggolaaday heshiis ay hormuud ka tahay IGAD kaas oo lagu dhameynayay colaadda waqtiga dheer qaadatay ee dalkaasi ka jirtay.
Dowladda Sudan oo qaban qaabineysay shirkan ayaa todobaad ka hor casuumaad u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa saacadihii u dambeeyay ka baaqday safarka, iyadoo la shaaciyay liiska wafdiga Madaxweynaha u raaci lahaa Sudan, waxaana uu go’aansaday inuu diro Ra’iisul Wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.