Baydhabo Somaaliya,{WMN}-Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo ku dhex maray ciidamo Boolis ah iyo kuwo Milatari ah magaalada Muqdisho.
Iskahorimaadkan oo la sheegay in uu dhacay isgoyska Manobolyo ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo Milatari iyo kuwo Boolis ah oo ku sugnaa isgoyska.
Ciidamada Milatariga ayaa la sheegay inay diideen inay dhagaystaan amarada ciidamo Boolis ah waxaana halkaas ku dhex maray is rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in iskahorimaadkan uu ku gubtay baabuur la sheegay in halkaas cilad ay ku gashay oo ay doonayeen ciidamada Milatariga inay ka soo jiidaan.
Xaalada goobta ay ku dagaalameen labadan ciidan ayaa degen hase yeeshee waxaa jirta xiisad ka dhalatay iskahorimaadkan.
Ciidamada Milatariga ee dagaalka la galay kuwa Booliska ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamadii ka soo gadooday deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe.