Munaasabadaan oo si heer sare ah loo soo agaasimey ee lagu caleemasaareyey maamula cusub oo ay doorteen shacabka Dedmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ka qeyb galey Madahweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Somalia Mudane Abdi Asis Hassan Maxamed Lafta Gareen Waziirka Calaada xukuumada Fadaralka Somalia, waziiro xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboledka KG maamulka Gobolka kan Degmada Waajid saraakiil ciidaan, iyo boqolal shacab ee Degmada Waajid ee Gobolka Bokool.
Maxamed macalin Yuusuf gadoomiyaha Maamulka Degmada waajid ee Gobolka Bakool ayaa u mahadceliyey Madahweynaha Koonfur Galbeed dadaalka ay ku bixiyeen sidii Degmada waajid loogu dhisi lahaa maamul ay doorten shacabka Degmada waajid.
Madahweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Somalia Mudane Abdi Asis Hassan Maxamed Lafta Gareen oo ka Hadley munaasabada Caleemasaarka ayaa u Hambalyey Maamulka Cusub ee Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.