Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay degaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo ayaa ka dhacay Goob ay ku sugnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ee degaanka Janaale, waxaana ku dhintay ilaa Afar Askari oo katirsan Ciidamada dowladda.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa oo siweyn looga maqlay xaafadaha degaanka ay ku dhaawacmeen askar iyo dad Shacab ah, kuwaas oo la geeyay Goobaha Caafimaad ee kuyaalla degaanka.
Ciidamada dowladda ayaa qaraxa kadib sameeyay howlgallo baaritaano ah walow aysan jirin dad ilaa iyo hadda loo qabtay qaraxaasi.