Baydhabo-{WMN}- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa baaq deg deg ah oo la xiriira gurmadka Abaaraha ka dalbaday dhammaan hay’adaha gargaarka Caalamiga ah ee daneeyaha Arrimaha Soomaaliya.
Qoraal ku qornaa luuqada English-ka oo uu Madaxweynaha Puntland dhawaan u diray hay’adaha Caalamiga ah ayaa waxaa uu kaga codsaday in gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ay saameeysay abaarta ee kunool degaannada Puntland.
Wuxuu sheegay in dadka abaarta ay saameeysay ay u baahan yihiin, Gargaar cuno, dawooyin iyo in Biyo dhaamin loo sameeyo dadka abaarta ay ku saameeysay degaannada Miyiga ah, kuwaas oo aan helin gurmad Gudaha ah iyo Caalami ah intaba.
Qoraalka uu Hay’adaha gargaarka Caalakiga ah u diray Madaxweynaha Puntland oo aad u dheer ayuu sidoo kale uga codsaday inay dadka la soo gaaraan waxyaabaha ka hortagga nafaqa darrada Carruurta iyo calafka xoolaha.
Qoraalkaan uu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo aadaya xilli shalay uu Madaxweyne Deni goob fagaaro ah ka sheegay jn deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Soomaaliya aysan helin Shacabka Puntland.