Itoobiya oo sheegtay inay dishay 85 ka tirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 27/07/2022 Ciidamada dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa dilay 85 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday iska-horimaad ka dhacay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya , sida ay sheegeen idaacadda dowladda Itoobiya iyo taliye ka tirsan gobolka, maalmo kadib markii Al-Shabaab ay weerarro naadir ah ku qaadeen deegaankaas.Dagaalkan ayaa sii kordhinaya dhibaatooyinka dhanka ammaanka ah ee uu wajahayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo isku dayaya in uu damiyo kacdoonka ka socda gobolka Oromada, islamarkaana uu dejiyo macaaradka aan raali ka ahayn ee ku sugan gobolka Axmaarada, isla markaana uu wadahadallo nabadeed la bilaabo gobolka waqooyi ee Tigrayga.Telefiishanka Itoobiya ee ITV ayaa sheegay in ciidamada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay dileen 85 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaa ka badanna ay ku qabteen degmada Feerfeer oo ku dhow xadka Soomaaliya.Taliye ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in 85 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen. Wakaalada wararka ee Reuters uma suurta galin in ay la xiriirto afhayeen u hadlay Al-Shabaab si ay uga hadlaan arrinkan.Taliyahan ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dileen guud ahaan 243 ka tirsan Al-Shabaab tan iyo markii kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ay weerareen laba tuulo Arbacadii la soo dhaafay, islamarkaana 22 ka mid ah askartiisa laga dilay dagaalkan. Itoobiya oo sheegtay inay dishay 85 ka tirsan Al-Shabaab was last modified: July 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Qarax Lagu Dilay Guddoomiyihii Marka Oo Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose next post RW Xamse oo markii ugu horreeysay ka hadlay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 25/10/2021 DHAGEEYSO:-WAZIIRKA SHAQADA IYO SHAQAALAHA KGS OO KA HADLAY SHAQALA AANTA KAJIRTA KGS 01/01/2017 Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay xariga Cabdalla Muumin 12/10/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Midowga Yurub 3-11-2016 03/11/2016 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 17/09/2022 Turkiga oo markii ugu horeysay ka hadlay in ciidamo Soomaaliyeed la geynayo Libya 05/08/2020 Booliska Baladweyne Oo Soo Saaray Amaro Culus Oo Quseeya Bulshada Magaalada 23/01/2023 Wasiirka Sadiq Warfa: Xal ayaa laga gaaray cabashada Shaqaalaha garoonka Aadan Cadde 10/08/2020 Dhageyso:- Barnaamijka Kulanka Warsan 26/03/2022 Daawo:- Wasiir Muqtaar Rooboow” Nolol majirto hadaan Ammaan la helin” 16/11/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.