15 Ruux oo ku dhimatay mudaaharaadyo ka dhan ah Qaramada Midoobay written by Warsan Radio 27/07/2022 Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen laba maalmood oo mudaaharaadyo ka socdeen bariga dalka Congo, kuwaas oo looga soo horjeeday hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaasi, sida ay masuuliyiintu sheegeen.Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarta nabad-ilaalinta oo u dhashay Morocco iyo laba booliis caalami ah oo u dhashay Hindiya la dilay.Sidoo kale nin booliis ah oo u dhashay Masar ayaa lagu dhaawacay saldhigga Qaramada Midoobay ee Butembo ee gobolka Waqooyiga Kivu markii “Weerarayaal rabshado wata ay hub ku furteen booliiska Congo” oo lagu toogtay shaqaalaha Qaramada Midoobay.Ku xigeenka af-hayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutrerdos uu si adag u cambaareeyay weerarkii lala beegsaday iyo rabshado lagu bartilmaameedsaday dhowr saldhig oo ay leedahay Qaramada Midoobay.Haq, ayaa sheegay in Talaadadii “boqolaal gacan ku dhiiglayaal ah” ay weerareen saldhigyo ku yaalla magaalada Goma iyo qeybo ka mid ah waqooiga Kivu.Haq wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan afar dhacdo lala beegsaday guryaha shaqaalaha howlgalka Qaramada Mdoobay, kuwaas oo hadda loo raray xeryaha Q.M, wuxuuna sheegay in dad shacab ah ayaa sidoo kale isku dayay in ay gudaha u galaan xarunta Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay Talaadadii, laakiin sida uu sheegay ay iska caabbin kala kulmeen ilaalada xaruntaas.Booliska Congo ayaa sheegay in ugu yaraan lix qof lagu dilay Goma Isniintii, iyo siddeed qof oo rayid ah oo lagu dilay Butembo, waxaana goor sii horreysay, afhayeenka dowladda Congo Patrick Muyaya uu sheegay in ugu yaraan shan qof la dilay, ku dhawaad 50 kalena ay dhaawacmeen Isniintii. 15 Ruux oo ku dhimatay mudaaharaadyo ka dhan ah Qaramada Midoobay was last modified: July 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dil ka dhacay magaalda Burco & faah faahin kasoo baxeysa next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 22/05/2021 Madaxweyne Farmaajo oo ballan qaaday in dowladdiisu joojinayso xarriga saxaafadda 31/10/2020 Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir Madaxeedka IGAD 14/07/2020 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/02/2019 Dawladaha safka hore & howlgalka ATMIS oo ku heshiiyay in la dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab 07/08/2023 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Wrasan 22/01/2023 SAWIRO:- Madaxweynaha Masar oo lagu soo dhaweeyay dalka Hindiya 25/01/2023 Sawiro: Kulanka Farsamo iyo Xog iswedaarsiga Agaasimiyaasha Guud Wasaaraddaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Kan Dowlada Federaalka Somaaliya Oo Baydhabo Ka Furmay. 09/12/2019 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 16/09/2022 Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo u soo gudbiyay wareegga ugu dambeeya 15/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.