Baydhabo-{WMN}- Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Wafdi uu hogaaminaayay ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Amniga oo aay safarka ku waheliyan Wasiiro, siyaasiyiin iyo Isimo ayaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdille Xassan kusoo dhaweeyey Gudoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee golaha Wakiilada Jubbaland iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadda Jubbaland.
Wafdiga oo safarkoodu daarana ka qayb galka aaska AUN Wasiirkii arimaha gudaha Jubbaland Marxuum Maxamed Warsame Darwiish.
Sidoo waxaa la filayaa in saacadaha sooocda ay Magaalada Kismaayo gaaraan wufuud kala duwan oo ka kala tegaya Magaalada Muqdisho iyo dowlad Goboleedyada.