Baydhabo-{WMN}-Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Mudane Maxamed isxaaq Cabdi oo qeyb ka yihiin Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mohamuud Maxamed Khayre, Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdifataha Maxamed ibraahim Biano iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Yoonis Aadan Xasan ayaa gaarey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Wafdiga waxaa soo dhaweeyey Maamulka Degmada Diinsor, Saraakiisha Ciidanka, iyo Ururada Bulshada Degmada.
Socdaalka Wafdiga ayaa ku qotoma u kuura gelidda Xaaladda Amniga, Saamaynta Abaarta iyo wax ka ogaanshiyaha Baahiyaha ay qabaan Bulshada Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Wafdiga ayaa kulamo la bilaabay Maamulka degmada Diinsoor iyo Saraakiisha Ciidamada, iyaga oo wada diiwaangelinta Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed.