Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha written by Warsan Radio 19/08/2022 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Safiiradda Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE, oo booqasho sharafeed ugu timid.Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay kaalinta UK ee ah saaxiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la iskula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa la kulmay Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho, waxa uu kala hadlay barnaamijyada Qaramada Midoobey ee horumarinta , dowlad dhiska iyo dadaallada bani’aadannimada.Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni.Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo kaalmooyinka bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo barnaamijyada horumarinta ee lagu taageerayo ujeeddooyinka mudnaanta koowaad u leh dowladda. Dowladda Soomaaliya oo QM & Dowladda UK kala hadashay gurmadka Abaaraha was last modified: August 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan next post laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay qaraxyo & dadkii waday You may also like Dil Ka Dhacay Degmada Buurhakaba Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa 18/02/2020 Dhageyso:-Dood ku saabsan Nadaafadda ilaalinteeda iyo hagaajinta bilicda deegaanka oo lagu qabtay Radio Warsan 19/10/2019 Goloha Horumarinta Qaran Oo Kulan muhiim ah ku yeeshay dhuusamareeb 24/07/2020 Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in uu socdo diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran 31/12/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 28/07/2019 Golaha Aqalka Sare oo Laalay Xeerka Farmaajo uu Ku Meelmariyey Golaha Adeegga Garsoorka 14/02/2021 Akhriso:- Madaxweyne Farmaajo oo Jabuuti kaga qeyb galay shirka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha 05/07/2018 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 21/05/2017 Gen. Al-Burhaan oo soo geba-gebeeyey socdaalkii uu ku tegay Suudaanta Koonfureed 04/09/2023 Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay muddo kordhinta loo sameeyay 12/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.