Baydhabo-{WMN}- Magaalada caasimadda u ah gobolka Tigreega ee waqooyiga dalka Itoobiya ee Mekell waxaa xalay saqdii dhexe ka dhacay weerar dhinaca cirka ah, sida ay sheegeen xubnaha Tigrayga iyo saraakiisha isbitaal halkaas ku yaalla, waxaana weerarkan noqonaya kii ugu dambeeyay oo lasoo wariyay dhowr maalmood gudahood.
Duqeymahan ayaa yimid kadib markii todobaadkii hore uu dagaal dhulka ah dhex maray ciidamada dowlada iyo kooxda TPLF.
Iska horimaadyadan soo cusboonaaday ayaa burburiyay heshiis nabadeed oo socday muddo shan bilood ah, waxaana ay meesha ka saareen dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda labada sano ku dhow ee ka socotay waqooyiga dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika.