Baydhabo-{WMN}- Wafdi Uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hirshabeele Abdiraxmaan Daahir Guurre Karoore Qeybna Ay Ka ahaayeen Xildhibaano Heer Fedaraal iyo Heer Maamul Goboleed Ayaa Gaaray Degmada Buuloburte Ee Gobolka Hiiraan.
Xildhibaanada kala ah Maxamed Cabduqaadir Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Cabdulahi Buraale Raaxeeye oo ka mid ah Wafdiga Maanta Gaaray Buulo-Barde ayaa waxaa ay sheegen in ay ka qeyb qaadan doonaan Howlgalada Al-shabaab loogaga soo Horjeeda ee ka socda Gobalka Hiiraan.
Xildhibaanadaan ayaa lagu Xasuustaa in ay horay uga qeyb qaateen Dagaaladii Al-shabaab loogaga saaray Deegaano kadhaca Waqooyga Magaalada Baladweyne