Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo Safar shaqo Baydhabo u jooga.
Kulanka Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka waxaa looga hadlay xoojinta Howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii looga saari lahaa guud ahaan degaannada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga mahad celiyay Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka dadaalkooda ku aadan dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii guud ahaan dalka looga saari lahaa.
Inta ay ku sugan yihiin degaannada Koonfur galbeed Wasiirka Gaashandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxaa ay kormeeri doonaan xerooyinka Ciidamada, iyaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doona u diyaar garoowga howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.