Ciidamada dowladda Itoobiya oo TPLF ka qabsaday saddex magaalo oo istiraatiiji ah written by Warsan Radio 19/10/2022 Ciidamada Itoobiya ayaa qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ay dowladdu sheegatay Talaadadii, waxaana laba ka mid ah magaalooyinkaas ay u dhow yihiin koofurta magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.Ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda oo ay ku jiraan ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ayaa dagaal goos-goos ah kula jiray ciidamada Tigrayga muddo labo sano ah, waxaana colaaddaas galaaftay kumanaan qof, malaayiin qofna ay ku barakiciyeen, halka boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.“Ciidanka ENDF (Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya) waxay la wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Shire, Alamata, iyo Korem iyadoo aan dagaal ka dhicin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Itoobiya.Afhayeenka ciidamada Tigreega ayaan ka jawaabin codsi la xiriira hadalka dowladda, iyadoo dhinaca kale, maamulka Tigraygu ay qireen inay gacantooda ka baxday magaalada Shire oo ah magaaloo istiraatiiji ah, oo ku taalla qiyaastii 140 km (90 mayl) waqooyi-galbeed ee Mekelle.Shire waxay leedahay garoon diyaaradeed waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka. Waxay magaaladan martigelisaa tobannaan kun oo qof oo ka barakacay degaannada kale ee colaaduhu ka jiraan.Mid ka mid ah dadka deggan magaalada Mekelle ayaa sheegay in dadku ay ku yaaceen goobaha laga adeegto, si ay usoo gataan, una kaydsadaan waxyaabaha aasaasiga ah, iyadoo ay sii kordhayso maciishaddu iyo cabsida laga qabo in ciidamada federaalka iyo kuwa Eritrea ay yimaadaan magaaladaas.Colaada Tigreega ayaa salka ku haysa loolan dheer oo u dhexeeya kooxaha awoodda ku leh gobolka, kaas oo ku saabsan cidda la wareegeysa talada Itoobiya, iyo sidoo kale ismaandhaaf hoose oo salka ku haya sidii la isugu dheeli tiri lahaa awoodaha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhowr sarkaal oo Maraykan ah, Madaxda dowladda ayaa dhamaantood ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah, in la bilaabo wadahadallo ay garwadeen ka yihiin Midowga Afrika iyo in ciidamada Eritrea laga saaro Itoobiya. Ciidamada dowladda Itoobiya oo TPLF ka qabsaday saddex magaalo oo istiraatiiji ah was last modified: October 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maraykanka oo ka digay qorshe uu Shiinaha la damacsan yahay Taiwan next post Booliska dalka Malaysia oo fashiliye afduub qarsoodi ah oo sirdoonka Israel ka wadeen caasimada Dalkaasi You may also like Wararkii ugu dambeeyay dalka Afghanistan oo duulimaadyada dib u bilawdeen 27/08/2021 Dowladda Puntland Oo Shuruud Culus Ku Xirtay Ka Qeyb Galka Shirka Magaalada Muqdisho 23/02/2021 DF oo ciidamadii ugu badnaa geysay xaduuda Soomaaliya iyo Kenya 11/10/2020 Akhriso:-Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa galinkii dambe ee Axaddii ku laabtay magaalada Dhuusamareeb 08/10/2018 Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu rejo wayn ku qabo Dadaaladda Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aadan shirka 20-ka bishan. 19/05/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 24/07/2023 Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Madaxweynaha KGS? 29/06/2022 Warka Galab ee Idaacada Warsan 17/04/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/04/2020 Akhriso:- Madaxweyne Waare oo ka hadlay dagaalo kadhacay deegaano ka mid ah Hirshabelle 20/01/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.