Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS iyada oo ka amba qaadaysa hoos u dhaca xoogga ah ee ku yimid Caabuqa COVID-19 islamarkaana ku xisaabtamaysa mashaariicda baahinta talaalka caabuqa COVID-19, Waxa ay ku dhawaaqday joojinta baaritaanada cudurka Karoonaha.
Qodobada kasoo baxay Wasaaradda ayaa siddaan u qornaa:
- Dhammaan dada ka safraya Soomaaliya loogama baahna Warqadda Caddeynta Baaritaan ee Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
- Dhammaan dadka usoo safraya Soomaaliya loogama baahna in ay la yimaadaan Warqadda Cadeynta Baaritaanka Caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).
- Dadka ka dhoofaya Soomaaliya waxaa looga baahan yahay in ay iska hubiyaan una hoggaansamaan sharuudaha iyo habraacyada Wadamada ay u socdaan ee la xariira COVID19.
Wasaaradda Caafimaaka iyo Daryeelka Bulshada JFS waxay ku dhiiri galinaysay muwaadaniinta in ay joogteeyaan tallaabooyinka ka hortagga halista Caabuqa COVID-19.
Waxay sidoo kale ku dhiiri galinaysay muwaadaniinta in ay qaataan Talaalka COVID-19 kana ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda khatarta Caabuqa.