Ciidamada booliska Itoobiya oo galay magaalada Mekelle written by Warsan Radio 31/12/2022 Booliiska federaalka Itoobiya ayaa Khamiistii howlgal ka bilaabay caasimadda gobolka Tigray ee ay dagaalladu aafeeyeen markii ugu horreysay muddo 18 bilood ah, sida ay booliisku sheegeen, taasoo calaamad u ah tallaabadii ugu dambeysay ee heshiiskii nabadeed ee la gaaray bishii Novermber.“Iyadoo laga duulayo awoodda uu siiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, si ay u ilaaliyaan hay’adaha federaalka waxay galeen Mekele oo ay shaqo bilaabeen”, ayaa lagu yiri bayaan ay haya’dda Booliska Itoobiya soo dhigtay barteeda Facebook.“Waxay boolisku siinayaan ammaan dammaanad qaad ah hay’adaha fedeeraalka, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, korontada, adeegyada isgaarsiinta, bangiyada iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegga bulshada” ayuu raaciyay warsaxaafadeedkan.Dagaalka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Tigrayga ayaa biloowday bishii Novermber ee 2020, iyada oo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu ciidamo u diray gobolka waqooyi kadib markii uu ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF) inay weerar ku qaadeen saldhigyada ciidamada.Qiyaasta khasaaraha ayaa aad u kala duwan, iyadoo Mareykanku uu sheegay in dad gaaraya nus milyan qof ay ku dhinteen.Colaadda ayaa sidoo kale soo bandhigtay mid ka mid ah masiibooyinka bini’aadantinimo ee ugu xumaa caalamka muddooyinkan dambe, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof, boqolaal kun oo kalena ay qarka u saaran yihiin macaluul.Heshiiskii 2-dii November lagu saxiixay caasimadda Koonfur Afrika ee Pretoria ayaa dhigaya in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamada TPLF, dib u soo celinta maamulka federaalka ee Tigray iyo in dib loo furo gelitaanka gobolka.AFP Ciidamada booliska Itoobiya oo galay magaalada Mekelle was last modified: December 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee idaacada Warsan next post Deni oo war kasoo xaaladda Laascaanood You may also like Joe Biden oo dalbaday in la maxkamadeeyo askarta toogata dadka madow 03/09/2020 RW Rooble oo soo dhaweeyay liiska Xildhibaannada labada Aqal ee la soo saaray 01/04/2022 Gudoomiyaha Baraawe “Shabaab waxay xasuuqeen 16 qof oo isku qabiil ah” 04/07/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 11/09/2022 Dhageyso:-Warbixin ku saabsan Maamul Goboleedka Puntland oo Xilalka laga qaaday Saraakiisha Booliska iyo Daraawiishta isagoo taliyaal cusub u magacaabay xilalkoodii. 28/10/2018 Dhageyso: Diinta Islaamka Maxey Kaqabtaa Takoorka Ama Midib Naceebka? 01/03/2020 Madaxweyne Farmaajo oo maalinta berri ah hortagaya golaha Baarlamaanka 05/02/2021 DHAGEEYSO;-Warka Caawa ee Radio Warsan 15/03/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 01/07/2020 Trump oo amray in dib loo dhiso taallooyinkii lagu bur-buriyay rabshadihii ka dhacay Mareykanka 05/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.