Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika written by Warsan Radio 15/01/2023 Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa meelo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi ayaa xilliga la dilayay ay Kooxaha Burcadda ah ku weerareen dukaan uu iibinayay oo kuyaalla xaafada Thavesog ee hoostagta degmada soweto ee gobolka Gauteng ee dalkaasi koonfur Afrika.Ciidamo katirsan Booliska ayaa gaaray halka uu dila ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen Burcaddii dilka geysatay wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan.Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida oo dhankooda tegay dukaanka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in falka lagu toogtay muwaadinka Soomaaliyeed uu u muuqday fal bahalnimo ah ayna ka walaacsan yihiin.Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah loogu dilaa Soomaalida, iyada oo oo Kooxaha Burcada ah mararka qaar ay dhac u geystaan Goobaha Ganacsiga Soomaalida kadib markii ay dilaan. Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika was last modified: January 15th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xildhibaanad hore oo lagu dilay Caasimadda Afgaanistaan. next post Wafdi horudhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Baydhabo You may also like Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 09/12/2019 Federal Elections and Political Consensus Building 29/06/2020 QM oo soo dhoweysay in Kenya ay ciidamo u dirto Haiti 01/08/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/07/2020 Jake Sullivan: “Mareykanka waxa uu aad uga walaacsan yahay macluusha la saadaalinayo ee Soomaaliya”. 07/09/2022 Senetar Cumar Cabdirashiid oo Eedeyn Kulul u jeediyey dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo. 28/02/2021 Dhageyo:-Xasan Sheekh Waxaad haysaan waa Wadadii lagu hungoobay oo lagu dumi lahaa 24/09/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/02/2021 laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay, Rasaas, Maandooriye & dad ka Ganacsanayay 28/06/2022 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 07/05/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.