Waxaa lagu guda jiraaa Maalmihii Hilib Warka ee bisha caarafo ee dabaaldaga ciidul Adkha.
Waxaa meelkasta ku gowracan xoolo iskugu jira lo’, geel , Ari kuwaas oo gaaraya kumanaaan.
Wadooyinka Baydhabo Markaad marto waxa ay indhahaagu qabanayaaan gawaari ay kuraranyihiin xoolo gowracan, haweeen iyo rag jawaano kuwada Hilib kuwaasoo maraya wadooyinka magaalada.
Xaafad walba waxaad kamaqlysaaa shanqarta Mindiyaha kuwaas oo haweenka xaafadaha ay ku solanayaaan Hilibka si ay uga diyaarsadaan Colob ama oodkac.
Kawaanka Hilibka lagu gado ee Baydhabo waxaa dhooban Hilib isdul gaaray kaas oo kadhigay in lagu iibsado jeexa neefka lo’da ah qiima dhan 15 dollars taas oo lamacna ah (dharag oo qaado), Halka Hilibka ariga iyo geela oo qiima ahaan kasareeya lo’da.
Tani waxaa sababay in qiimaha Hilibka lo’da uu hoos udhaco dhaqan ahaan dadka kudhaqan Baydhabo majecla Hilibka lo’da waayo waxey aad u dhaqdaan geela iyo ariga.
Dadku weyka sandhaween Hilibka kadib markii maanta oo 4 ah ee 3da meersin dadka qado, quraac, cashaba ee jiscin kadhiganayeen Hilibka isagoo loo bisleeyay noocya kala duwan sida mar isagoo maraq leh, isagoo buskeeti ah , isagoo laxmindi ah iyo isagoo la oodkaceeyay ama lacolabeeyay.
Sikastaba ha ahaatee maalmihii lasoo dhaafay Baydhabo afarteed jaho Hilib ayaa warmay, laga wabxay sidii la iskugu waday, laga walaf gooyay, min nin xoola qaba ee baraaara kunool iyo mid barakaca ee buush degan taasna waxey kutimid maalmaha hilib warka( ايام التشريق) ee Iidul Adhkhal-Mubaarak bisha Dul-Xajj 1444 Hijriyah.
W/Q Sadam Hilal Shueib