Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska ayaa diyaaradaha wax indha-indheeya u dirtay hawada sare ee Qasa, si ay u soo uruuriyaan xogo sirdoon oo ku aadan halka ay Xamaas ku hayn karaan maxaabiista ay gacan ku hayaan.
Xoghaya caafimaadka Victoria Atkins aya BBC da u sheegtay axadii, in diyaaraduhu “aysan wax hub saarnayn”, balse BBC du waxay arrintaas ka xaqiijisay wasaaradda difaaca.
Waxay tiri: “Waxay raadinayaan lahaystayaasha, sababta oo ah inkasta oo qaarkood la sii daayay, hadana sida caadiga ah waxaa jira kuwa badan oo u baahan in xabsiga laga sii daayo.”
Shan ruux oo u dhashay Ingiriiska ayaa la la’yahay tan iyo weerarkii 7 dii October Xamaas ku qaaday Israel.