Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta Xarunta villa Hargeysa ku yeeshaan kulan wadajir ah oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.
Kulankaan wadajirka ah ayaa baaqday Sabtidii todobaadkaan kadib markii ay diideen Xildhibaano katirsan golaha Shacabka,balse qoraal lo diray Xildhibaannada labada Aqal ayaa u qornaa”:
Xildhibaanada Sharafta leh, waxaa jira kulan Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ajendaha:1)
Akhrinta 1aad Warbixinta iyo Xisaab Xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhamaaday 31 da December 2022
2) Akhrinta 1aad Xeerka Qoondaha Miisaaniyadda 2024
Goobta: Villa Hargeisa.
Wakhtiga 9:00 subaxnimo.
Waxaa laga Codsanayaa Xildhibaanada Sharafta leh in ay ilaaliyaan waqtiga Mahadsanidiin
lama oga waxa iska bedelay xildhibaannadii diiday Sabtidii todobaadkaan inay kulan wadajir ah yeeshaan Xildhibaannada labada aqal iyo in la horkeeno miisaaniyadda dowladda ee 2024, iyada oo aan loo keenin xisaab-xirka miisaaniyadda 2023.