Buurdhuxule(WRB)-Wararka ka imaanaya deegaanka Buurdhuxule Gobolka Bakool ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen labo xubnood oo ka tirsan Al Shabaab iyo saddex ruux oo shacab ah inay miino kula qaraxday halkaasi.
Gaariga ayaa lagu soo waramaya in uu ka baxay Deegaanka Buudhuxule ee Gobolka Bakool islamarkaana uu kusii jeeday deegaanka Garasweyne oo isla Gobolkaasi Bakool ka tirsan.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Waajid Cadow C/raxmaan oo la hadlay Idaacada Warsan Ee Magalada Baydhabo ayaa sheegay in Gaariga Al-Shabaab ay xoog ku ka xaysteen , islamarkaana ay doonaayeen in ay ku tagaan deegaanka Garas weyne ee gobolka Bakool.
W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)