Kooxda Manchester City ayaa White Hart Lane marti ugu ah kooxda Tottenham oo doonaysa inay dib ugu soo laabato tubta guusha kadib markii ay todobaadkii hore barbaro 2:2 ah la gashay kooxda Southampton. City ayaa iaduna ku fikiraysa inay sii xajisato booskeeda kaalinta labaad ee horyaalka Premier League iyagoo maanta raadinaya inay guushii seddexaad oo isku xigta gaadhaanaan.
Tottenham ayaa xili ciyaareedkan soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican, waxayna doonaysaa inay ugu yaraan xaqiiqsato kaalmaha loogu soo baxo Europa Leaque.Manchester City oo xili ciyaareedkan soo bandhigtay qaab ciyaareed aan joogto ahayn ayaa doonaysa inay xili ciyaareedka qaab ciyaareed fiican ku dhamaysato.
Tottenham: Lloris Dier, Fazio, Vertonghen, Rose; Bentaleb, Mason; Chadli, Eriksen, Lamela; Kane.
Kaydka:Vorm, Chiriches, Yedlin, Paulinho, Stambouli, Adebayor, Soldado
Manchester City:Hart , Zabaleta, Demichelis, Mangala, Kolarov, Fernandinho, Fernando, Milner, Lampard, Silva, Aguero