Maamulka Puntland ayaa Talefashinka Qaranka ee dowladda Federaalka ka mamnuucay deegaanada uu ka taliyo Maamulkaasi.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka ayaa lagu sheegay in dhammaan Magaalooyinka Puntland uusan ka howllgali Karin Tv-ga Qaranka.
Warkaan ayaa lagu faray, Gudoomiyaha gobolka Barri, Gudoomiyaha Boosaaso iyo Hay’adaha Ammaanka in ay xiraan Xarumaha uu TV-ga ku leeyahay Magaalada Boosaaso.
Warqada oo uu ku saxiixnaa Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha, ahna gudoomiyaha guddiga taakuleynta Qaxootiga Cabdullahi Xaashi Warsame, ayaa lagu sheegay in Talefashinka Qaranka 17-kii bishaan uu War been abuur ah uu ka sameeyay Soomaalida dib ugu soo laabaneysa Yemen, kaasi oo ku saabsan in Puntland aysan waxba u qaban Dadkaasi.
Ma ahan markii u horeysay ee Puntland ay xirtyo TV-ga Qaranka, horay ayey sidaan oo kale u mamnuucday Radiyaha iyo TV- dowladda, markii ay ku eedeysay been abuur, hase ahaatee markii dambe waxaa lagu guuleystay in la dhameeyo kala aragti duwanaantii jirtay.