Muqdisho-WSR–Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, iyagoo kulan wadahadal ahna la qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka tirsan wafdiga ka socda baarlamaanka Kenya oo ka kooban sagaal xubnood ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ugu sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in socdaalkoodu uu la xiiriro xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa labada baarlamaanka ee Somalia iyo Kenya.
“Somalia iyo Kenya waxaa ka dhexeeya arrimo badan, waa labo dal oo walaalo ah, inta aan joogno Muqdisho waxaana la yeelan doonnaa wadahadallo la xiriira adkeynta xiriirka labada baarlamaan,” ayuu yiri Xildhibaan Ilyaas Barre.
Mudane Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyay waftigan ayaa xusay in Wada-shaqeynta labada Baarlamaan ee Kenya iyo Soomaaliya ay muhiim u tahay.
“Waxaana rajaynaa inaan ka wadahadalno arrimo badan oo dan u ah labada dal ee Somalia iyo Kenya ee walaalaha ah, xiriir fiicana uu ka dhexeeyo, arrimaha ku saabsan amniga ama is-dhexgalka labada bulshada” ayuu Carab intaas ku daray.