Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday dad lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida.
Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in xukun dil ah lagu riday shan ruux oo qaraxyadii Baydhabo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen.
Sidoo kale maxkamada ayaa amartay in lasii daayo hal ruux oo la sheegay in lagu waayay dambiyada loo heystay.
Sidoo kale waxaa xabsi seddex sano ah lagu riday ruux kale oo kamid ahaa 7 ruux oo qaraxyada loo heystay.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusugnaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.