Gudoomiyaha Gobolka Sh.Hoose ibraahim Aadan Najax ayaa Ka Waramaya Khasaaraha Kasoo Gaaray Ciidanka Dowlada Weerarkii Xalay ay Al-shabaab ku qaadeen Xerada Laanta Buuro ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Qaybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa saqdii dhexe ee Xalayย si wayn looga maqlay qaraxan. Suxufiyiinta degan Magaalada Muqdisho waxay soo sheegayan in sidoo kale qaybo ka mid ihi Caasimadda laga maqlay jugta qaraxaasi.
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Haatan Gacanta ku Haya Deegaanka Lagu diriray ee Laanta Buuro Waxaana Xalay oo dhan Lagu arkayay Helicoptero ay leeyihiin Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa lagu arkayaa hawada goobaha ku dhow dhow Laanta Buuro, mana jirto wax duqeymo ah oo illaa hadda la soo sheegay in ay la beegsadeen Shabaab. Sidoo kale waxay dadka deegaanku kuu sheegayan in ay maqlayaan guuxa diyaaradaha wax basaasa.