Xiddiga khadka dhexe ee New York City Andrea Pirlo ayaa ugu sareeya xiddigaha maaliyadooda sida weyn loo iibsaday horyaalka Mareykanka ee MLS sannadkan 2016, iyadoo saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin Frank Lampard uu kaalinta 9aad ku jiro.
Waxaa shanta ugu sareysa kula wehliya Pirlo weeraryahanka Seattle Sounders Clint Dempsey, Pirlo saaxiibkiisa kooxda New York City haatana hogaaminaya gooldhalinta horyaalka David Villa, xiddiga Sounders Jordan Morris iyo xiddiga khadka dhex ee LA Galaxy Steven Gerrard.
Qiimeynta iibsashada maaliyada ayaa lagu saleeyay maaliyadaha Adidas ee horyaalka MLS ee laga iibsaday dukaanka MLSstore.com tan iyo bilowgii sannadkan 2016.
20ka Xiddig Ee Maaliyadooda Sida Weyn Loo Iibsaday Horyaalka Mareykanka.
# | Ciyaaryahan | Kooxda |
---|---|---|
1 | Andrea Pirlo | New York City FC |
2 | Clint Dempsey | Seattle Sounders FC |
3 | David Villa | New York City FC |
4 | Jordan Morris | Seattle Sounders FC |
5 | Steven Gerrard | LA Galaxy |
6 | Kaka | Orlando City SC |
7 | Didier Drogba | Montreal Impact |
8 | Sebastian Giovincoxxx | Toronto FC |
9 | Frank Lampard | New York City FC |
10 | Dom Dwyer | Sporting Kansas City |
11 | Darlington Nagbe | Portland Timbers |
12 | Diego Valeri | Portland Timbers |
13 | Giovani dos Santos | LA Galaxy |
14 | Robbie Keane | LA Galaxy |
15 | Graham Zusi | Sporting Kansas City |
16 | Nat Borchers | Portland Timbers |
17 | Brad Evans | Seattle Sounders FC |
18 | Osvaldo Alonso | Seattle Sounders FC |
19 | Brek Shea | Orlando City SC |
20 | Kei Kamara | New England Revolution |