WRB:Laba ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug, ayaa waxay caawa ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Deegaanka Saddex Higlo ee Gobolka Mudug, xilli ay ka amba baxeen Magaalada Gaalkacyo, ayna ku sii jeedeen Magaalada Cadaado.
Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Maaliyadda, Cali Baashi iyo Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Aweys Cali Saciid, ayaa waxaa la xaqiijiyay in shilkaasi ay ku dhinteen.
Waxaa kaloo la soo sheegayaa in shilkaasi ay kula dhinteen Nabadoon C/laahi Yuusuf Guuleed (Digsi) iyo mid ka mid ah ilaaladii la socotay Wasiirada.
Shilkan, ayaa ka dambeeyay markii uu si iskiis ah uu u qalibmay gaarigii ay la socdeen xubnahaasi, sida laga soo xigtay dadka reer Saddex Higlo.
Gudoomiyaha Deegaanka Saddex Higlo, Maxamed Jaamac Faarax, ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Deegaankaasi ay aad uga naxday dhacdada caawa ka dhacday halkaasi.
Gudoomiyaha, ayaa sheegay masuuliyiinta geeriyootay in ay qiimo ugu fadhiyeen shacabka reer Galmudug, isla-markaana uu tacsi u diraayo qoysaskii, eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen.
Ka dib markii ay soo ifbaxday dhacdadan, ayaa waxaa Magaalada Cadaado ka amba baxay masuuliyiin ka tirsan Galmudug, kuwaa oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo, si aaska xubnaha dhintay uga qaybgalaan Magaaladaasi.