Maamulka Koofur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa lagu dhaariyay illaa 89 Xildhibaan kuwaas oo matali doona golaha wakiilada maamulka Koofur Galbeed ayna soo xuleen Odayaasha dhaqanka Seddexda Gobol ee maamulkaas uu ka kooban yahay.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Madasha dhaarinta Xildhibaanada Maamulka Koofur Galbeed waxa uu ka jeediyay khudbad uu kula dardaarmay Golahaasi Wakiilada in ay si wanaagsan uga shaqeeyaan howlaha loo igmaday.
Mudanayaasha maanta la dhaariyay ayaa dhankooda ballan qaaday in si daacad ay ay ugu adeegi doonaan Bulshadooda.
Dhinacooda Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanadaasi ayaa ballan qaaday in ay soo dhameystiri doonaan xubnaha kale ee ka harsan golahaasi wakiilada.