WRB:Wararka inaga soo gaaraya magaalada Munich ee Dalka Jarmalka ayaa sheegaya in qof hubeysan uu weerar ku qaaday Suuq ku yaalla magaalada Munich ee koofurta dalka Jarmalka.
Weerarka ayaa la sheegay in uu weli socdo isla markaana qofkii hubeysnaa uu weli wado rasaax xoogan oo uu ka dhex ridayo gudaha suuqa.
Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa shaaciyay in ku dhawaad 20 qof ay ku dhinteen Weerarka hada socda, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka sii badan oo aan la shaacin tirada.
Booliska Dalka Jarmalka ayaa wada howlgalo ay ku soo afjarayaan weerarka hada socdo
Sidoo kale waxaa suuqa ay rasaasta ka dhaceysa gaaray ciidamo badan oo Boolis u badan.
Wixii soo kordha kala soco Warsanradio.com Wadaninews24.com Gaarsiye.com