M/weynaha dowlada koonfur galbeed shariif xasan sheikh aadan oo ay wehelinayeen wasiirka maaliyada,hubka dhigista,arimaha gudaha,amniga,gudoomiyaha degmada baydhabo ayaa kormeeray islamarkaana xariga ka jarey bandhige dhaxe ee koonfur galbeed iyo dhismaha cusub ee maxkamada sare ee maamulka.
Dhismahan bandhiga dhaxe iyo dhismaha maxkamada sare ee koonfur galbeed ee xariga manta laga jarey ayaa waxaa marka hore m/weynaha iyo xubanaha ku wehelinayay kormeerka ayaa qeyb qeyb u indha indheeyay qeybaha ay ka kooban yihiin.
Wasiirka maaliyada maamulka koonfur galbeed sheikh xasan lugbur ayaa sheegay in si toos ah loogu wareejiyay furayaasha qeybaha bangigga uu ka kooban yahay.
M/weynaha kooonfur galbeed shariif xasan ayaa marka uu xariga ka jarey kadib ka Hadley muhiimada bangigga uu leeyahay.
Sidoo kale madaxweynaha iyo gudoomiyaha maxkamada sare ee maamulka koonfur galbeed sheikh axmed claahi fanax ayaa markii xariga laga jarey dhismaha maxkamada hadal kooban ka jeediyey goobta.