Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay amarada gaar gaarka ah ee xilligan ka soo baxaya Madaxda Dolwadda in aysan aheyn kuwo shaqeynaya.
Wuxuu sheegay Siyaasiga Salaad Cali Jeelle in Madaxda Dolwadda hada ay yihiin kuwo Watigooda uu ka idlaaday, oo uusan shaqeyneyn amarada ka soo baxa.
Warqad Qoraal ah oo shalay ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dolwadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shramaarke ayaa lagu amray Wasaaradaha Amniga iyo Warfaafinta in ay dhowraan Xuquuqda ay leeyihiin Musharaxiinta.
Dhanka kale Arbacadii ayay aheyd markii Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Warqad ka soo baxday lagu amray in muddo 60 Cisho ah Saxaafada aanay gudaha u soo geli karin Garoonka Diyaaradaha, waxaana falkaas Cambaareeyay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.