Washinton(WRB)–Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta codka diidmada qayaxan ee Veto-ga u isticmaalaya haddii sharci ahaan loo ogolaado dadkii ka badbaaday iyo kuwii ku dhintay Eheladoodii weerarkii 11-kii September inay Maxkamadeeyaan Dowladda Sacuudiga.
Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa inuu isku dayo inuu baabi’iyo diidmada Madaxweynaha, taasi oo u baahan in seddex meelood laba meel ay sharci dejiyayaasha u codeeyaan.
Madaxweyne Barack Obama ayaa ku tilmaamay in sharcigani uu keeni karo in Dadka Mareykanka ah ee dibadda ku nool ay galaan halis dhinacyo badan leh.
Afhayeenka Aqalka cad ee Wadanka Maraykanka John Earnest ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in sharcigan uu yahay mid xun.
Wadanka Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa beenisay inay wax lug ah ku lahayd weeraradii argagixiso ee dhacay 11-kii September sanadkii 2001-dii.