Baydhabo(WRB)Degaano Iyo Degmooyinka Katirsan Goboladaan Baay Iyo Bakool Ayaa Waxaa Ka Socdaal Howlgalo Kadhan Ah Urarka Al Shabaab Kuwaasi Oo Ay Wadaan Ciidamada Xooga Dalka Somaaliya Iyo Ciidamada Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Somaaliya.
Wasiirka Hubkadhiista Dhaqan”celinta Towbarada Iyo Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eley Oo Wareysi Gaar Ah Sinaayey Idaacada Warsanradio.co Ayaa Waxaa Uu Kawarbixiyey Howlgaladii Ugu Dembeysey Ee Laga Sameeyey Degaanada Ay Hoos Tagaan Degmooyinka Ay Kamidka Yihiin Diinsoor”Hudur Iyo Meelo Kaley Ay Kamid tahay Degaanka Idaale Oo Dhawaan Halkaasi Kadhacey Dagaal Qasaaro Dhaliyey Oo Udhaxeeyey Ciidamada Dowlada Faderaalka Somaliya Iyo Kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
Wasiirka Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Wali Ay Socdaal Howlgaladaasi Ayna Kasocdaal Degaano Badan Oo Ay Hoos Tagaan Degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Gabeed Uu Ka Armiyo.
Wasiirka Hubkadhiista Dhaqan”celinta Towbarada Iyo Maleeshiyaadka Koonfur galbeed Xasan Xuseen Ayaa Dhanka Kale Waxaa Uu SHeegey In Degmooyinka Qaar Ay Kasocdaal Towbaro Mar Dhowna Ay Kabilaawan Donaan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose Waxaana Uu Sheegey In Towbaradaasi Ka duwanan Donaan Kuwii Hore Ee lasiyey Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee Koonfur Galbeed Oo Hada Shaqeeya.
Howlgaladaan Ayaa Waxaa Ay kusoo Adeyaan Xili Degaano badan Oo Horey Umaamuuli Jireen Urarka Al Shabaab Hada Laga Saarey.
W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed(Ateera)