Baydhabo(WRB)Markii dhowaan Qaramada midoobey ay soo sartey warbixin kaga hadleysay in dadka ku dhaqan dalka soomaaliya ay macluul halis u yihiin islamarkaana nafaqa daro baahsan ay jirto ayaa goobaha xaaladaas qaramada midoobey ka hadaleysa ka jiriraan waxaa ka mid ah deegaanada koonfur galbeed.
Dhowr xili roobaad ayaa beeraleyda waxaa ay sheegeen iney noqdeen kuwo dalagii ay beerteen uu ku filnaan waayey,taasna ay keentay in abaaro ay ka dhacaan deegaanada gobalka,dadkana macluul ay dareemeen gaar ahaana caruurta nafaqa daro ay heyso.
Tv-ga universal ayaa kormeeray dhowaan beero kuyaala duleedyada magaalada,waxay ahaayeen badankooda kuwo dalagii lagu beeray ay qalaleen,inta badan dadka reer baydhabo ay yihiin kuwo noloshooda ku tirsan wax soo saarka beeraha.
Xabiibo dhaahir aadan waa beeraleyda baydhabo waxay sheegeysa in beerihii abaar ka noqdeen taasna nolol xumo u horseetey.
Isbitaalka gobalka bay oo aan booqdey waxaan ku arkey caruur 60 gaareysa oo dhamaan nafqaa daro la liita lagana keeney deegaano dhul beereed ah oo markii abaar ay ku dhacdey cunadii nafqada loo wayey.
Mid ka mid ah haweenka beeraleyda ah oo isbitaalka uga jira wiil laba sano jir ah oo nafqadaro hayeso ayaaa ii sheegtey in 7 caruur ah oo ay haysato noloshadooda beeraha ku tiirsanaa hada nolol xumo ay heyso.
Cod
Suldaano sheikh aadan waa madaxda xarunta caruurta nafaqa darada lagu xanaaneeyo,waxay ka warameysaa bishi hore iyo bishan September ee sii dhamaaneysa inta ay qabilaan,iyadoona sheegeysa in bil kasta dad waaweyn iyo caruur nafaqa daro hayso halkan imaanayaan.
Cod
Deeganada koonfur galbeed gaar ahaan gobalka bay ayaa ah bulshooda kuwo beeraley ah,waxaana khubarada arimaha cimilada iyo beeraha ku takhasusey ay sheegayaan in hadii xili roobadka soo socda oo rajo fiican dalaga hada aburkiisa socda uu xumaato gaalo ku amaanaan bulshada deegaanadan ah saameyn doono.