Dagaalka loogu jiro qabsashada bariga magaalada Xalab waxaa uu magaaladaas ka dhigay mid ka sii xun kawaan xoolaha lagu qalo, ayuu sheegay xoghayaha guud ee QM, ban Ki_Moon.
Mid ka mid ah isbitaalladii ku sii haray magaalada ayaa la garaacay, sidaas awgeed dhakhaatiir yar iyo daawooyin aad u yar ayaa ku haray magaalada, sida ay sheegtay UNICEF, oo ku warramaysa in caruur dhaawacoodu halis ahaa looga tegayo inay dhintaan.
Ugu yaraan 96 carruur ah ayaa la dilay laga soo bilaabo maalintii Jimcihii oo keliya, in ka badan 200-na waa la dhaawacay.
Naxdintooda iyo dhibaatadoodu waa mid aad u weyn, ayay sheegtay UNICEF, oo carruurtaas ku tilmaantay inay ku dhex xanniban yihiin naar nool.
Carruurta reer Suuriya dhibaato ba’an ayay ku soo jireen shantii sano ee dagaalku socday, laakiin saxariirtooda bariga magaalada Xalab waa tii ugu xumayd, ayay tiri UNICEF.
Suuriya: Ku dhawaad boqol carruur ah ayaa lagu dilay bariga Xalab ilaa Jimcihii
previous post