Cadaado(WRB)Wasiirka Wasaarada Gaanshaandhiga dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo shalay tagey magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Cadaado.
Wasiirka Gaanshaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay si weyn u adkeeyn doonaan amniga magaalada Cadaado inta ay socdaan doorashooyinka.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay madaxda maamulka Galmudug uu kala hadli doono howlaha doorashooyinka iyo sidoo kale xaqiijinta ammaanka magaalada Cadaado oo ah halka ay ka dhacayaan doorashooyinka xubnaha baarlamaanka maamulka Galmudug u matalaya dowladda Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana halkaasi gaaray madax ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale musharaxiin aad u faradaban.