Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe, oo uu ka socdo shirka maamulka cusub ee 2-da gobol ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe ayaa iminka qaban qaabo loogu jiraa doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamul-goboleedka.
Xildhibaanada gobolka ee la dhaariyay maalmo ka hor ayaa u codeyn doona gudoomiyaha, 12-ka bishan.
Dhanka kale Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda shir lagu dhisayo maamul la baxay Hiiraan State.
Shirkan ayaa waxa uu ka soo horjeedaa shirka ka socda magaalada Jowhar ee dowladda federaalku ay waddo.