Baydhabo(WRB)Alle Ha”unaxriiste Waxaa Dhawaantaan Magalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka bay Ku Geeriyoodey Marxuun Isaakh Malaaq Ibraahim Oo Ahaa Malaaq Si Weyn Loogu Yaqiiney Koonfurta Somaliya Waxaa Uu Marxuunku Ku Dhashtey Gobolka Baay Sanadii (1937) Isagoo Waxbarashadiisu Dugsiga Qu”aanka Iyo Maadiga ku Qaatey Gobolka Baay Waxaa Uu Ahaa Todobaantan Iyo Sagaal Jir Magaca Iyo Maamuus Weyn Ku Lahaa Bulshada Weynta Ku Nool Koonfurta Somaliya.
Marxuun Isaakh Malaaq Ibraahim Waxaa Uu Ahaa Haliyey Ka Soo Qeyb qaatey Halgenkii Dhaqdhaqaaqa Xurma Doonkii Somaliyeed.
Markii Somaliya Xurnamada Ay Qaadatey (1960)Oo Ay Dalka Kahirgaleen Xanaankii Xusbiyada Waxaa Uu Ahaa aas Asihii Xisbigii la”oran jirey (Hal Iyo Nirig)kaaso Xaruntiisu Ayeed Magalada Baydhabo.
Marxuun Isaakh Malaaq Xisbiga Waxaa Uu Ka Ahaa Gudoomiye Isagoo Tartan Adag Lagaley Xisbigii Leegada oo Shacbiyad Badan Ku Lahaa Islamarkaana Kuraasta Ugu Badan Baarlamaanka Ku Guuleysan Jirey.
(1968)Xisbigii (Hal Iyo Nirig)ee Uu aas aasey Marxuun Isaakh Malaaq Wuxuu Laloolamey Xisbigii Leegada isagoo Qalqal Galiyey Xisbigii Leegada Oo Mudo Badan Dhisnaa Balse Nasiibdaro Xisbigii Uu Hogaaminaayey Isaakh Malaaq Ee(Hal Iyo Niri) Uma Suurta Galin In Ay Kahelaan Kuraastii Baarlamaanka Ku Shubasho iyo Codad Isdaba Marin Ay Leega Sameysay.
Sidoo Kale Markii Ay Burburtey Dowladii Dhaxe Ee Soomaaliya Wuxuu Marxuunka Door Weyn Kasoo Qaatey Nabadeentii Soomaalida Dirirta Coladeed Kadhax Aloolsantey.
Waligiisi Marxuun Isaakh Malaaq Ibraahim Kama Maqnaanin Madal Iyo Meel Ay Bulsha Weynta Ee Soomaaliyeed Lagu Maslaxeynaayo Wuxuu Hibo Gaar Ah U Lahaa Runkasheega Garta Ee Walaalo Siman Lagu Kala Geynaayo Ama Dirir
Coladeed Gar Ee Xeed oo Lagooya Dib Isugu Gacanqaada Wuxuu Ahaa Mid Lagu Xasuusto Madashii Weyneed Ee Ladhigey Magalada Baydhabo Ee Lamagac Baxdey’Meyniin Den eh” Ee Liskugu Keeneyey Garabyadii ururkii La Oranjirey SDM Allaha Ha”unaxriistey Marxuun Isaakh Malaaq Ibraahim Wuxuu Ifka Kaga Tegey 70 Carruur Ah Oo iskugu Jiraa Wuxuu Dhaley Iyo Waxey Siidhaleen.
Tariiqda Isaakh Malaaq Ibraahim Waxaa In Badan Waxkaqorey C/Qaadir Axmed Jiif sagaarey Oo Ah Taariqd Uruuriyey Keydiya Taariqda Dadka Haldoorka Ah Ee Muuqda.
W/Q/Wariye:Muqtaar Sheekh Aadan(Dalmar)